BALIGUBADLE MEDIA
Galmudug oo Soo Dhoweeyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya
August 27, 2020 - Written by admin

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa soo dhaweeyay xeerka Saxaafadda ee shalay lagu soo bandhigtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka  oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan xeerka saxaafada ee dhawaan madaxweynuhu uu ansaxiyay,isla markaana loo soo bandhigay bahda Saxaafadda, wuxuuna intaa ku daray in xeerkani uu yahay mid muhiim u ah warbaahinta iyo wariyeyaasha Soomaaliyeed .

Axmed Shire Falagle, waxa uu caddeeyay in Galmudug ahaan  aysan wax dhib ah u arkin dhaqan galinta xeerka Saxaafadda,wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahy xeer  ay ku wada-shaqeyn karaan qeybaha warbaahinta madaxa bannaan iyo dowladda.

Shalay ayay aheyd markii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu soo bandhigay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.

COMMENTS