BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Wali Qalinkiisu La Haysto inuu Xilkii Soo Baxaba U Magacaabo Beeshiisha
July 4, 2020 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaan wali gardaadsan inay dhinac ka rarantahay xukuumadiisu isagoo wali kusii adkaysanaya inuu booskii soo baxaba u magacaabo beeshiisa taasoo meesha ka saaraysa kalsoonida lagu qabo xukuumaddiisa islamarkaana wiiqaysa midnimadda shacabka somaliland korna u sii qaadaysa tafaaruqa iyo qabyaaladda

tan iyo intii madaxwayne biixi qabsaday talada somaliland waxa isa soo taraya cadaalad darradda eexda iyo qaraabiilka qalinka madaxwaynaha iyadoo qoyska madaxwaynuhu gaadheen inay dhamaan qof qof u qaataan qandaraasyadii qaranka kuwaas oo aanay umadda kale cidna uga tagin

si kastaba ha ahaatee madaxwayne biixi ayaan la garanayn in qalinkiisa lagu shaqaysto oo aanu waxba ka ogayn waxa dalka ka socda iyo inuu ka badheedhayo eexda iyo qaraabo kiilka uu ku samaynayo mansabyadii qaranka isagoo magacaabistiisii u dambaysay ee maanta wakiilka taiwan ee somaliland u magacaabay wiil kasoo jeeda beeshiisa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS