Xisbiga UCID Oo Edeymo Culuculus U Jeediyay Gudida Covid-19
May 20, 2020 - Written by admin
Xoghayaha Warfaafinta xisbiga ucid yuusuf kayse cabdilahi ayaa guddida kahor taga covid 19 ku dhaliilay gaabis uu sheegay inay shaqadooda ku jirto

xoghayaha ayaa guddida iyo madaxwaynaha ugu baaqay in lacagtii uu sheegay madaxwaynuhu inay xukuumadiisa soo gaadhay lala wadaago bulshadda islamarkaasna lacagta iyo qalabka loo isticmaalo sidii loola dagaalami lahaa cudurkan
xoghayaha ayaa sheegay in maalin walba wasaaradda caafimaadku soo tabiso halka uu marayo xanuunku iyo sidoo kale inuu aad u sii faafayo hadana aanay jirin wax talaabo ah oo ay qaado gaar ahaan xagga alaab qaybinta
xoghaye yuusuf kayse ayaa guddida ugu baaqay in qalabyadda ay ku deeqeen shirkadaha iyo dahabshiil iyo telesom iyo shirkadaha kale loo qaybiyo bulshadda balse aanay guddidu gacanta iskaga hayso
ugu dambayntii xoghaye yuusuf kayse wuxuu guddiyadda nabad galyadda ee xukuumaddu u igmato raashin qaybinta ku eedeeyay inaanay si isku mid ah bulshadda ugu wada qaybin balse qaab kulmiyeysan ay u qaybiyaan
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS