BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Ethiopia Oo Xabsi Lagu Xukumay
May 8, 2020 - Written by admin

Maxakamad Ku Taala Magaaladda Bahirdar Ee Caasimadda Gobolka Ay Degto Amxaaradda Wadanka Ethiopia ayaa xukun lix sano ah ku riday Bereket Simon oo ahaa wasiirkii warfaafinta ee Xukuumadii uu hogaamin jiray Ra’isal Wasaarihii dalkaasi mudada dheer soo xukumayay ee Meles Zenawi.

Bereket Simon ayaa xabsiga loo taxaabay Bishii January ee sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2019, Wakhtigaas oo laga qabtay gurigiisa oo ku yaala Magaalo Madaxda Wadanka Ethiopia ee Addis Ababa.

Xadhiga siyaasigan ayaa ka dambeeyay ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu badhtanka kaga jiray arrimo musuqmaasuq.

Bereket Simon ayaa ka mid ahaan jiray ragga ay aadka isugu dhawaayeen Raisal Wasaarihii dalkaasi Meles Zanawi, dhinaca kale waxa uu ahaan jiray nin awood ku dhex leh xisbigii talada dalkaasi soo hayay ee EPRDF, Kaas oo uu ku soo dhex jiray ilaa sagaashamaadkii.

Taageereyaasha siyaasigan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xadhigiisu uu yahay mid la siyaasadeeyay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS