BALIGUBADLE MEDIA
Warbixintii Maanta Covid 19 26/05/2020 Wasaaradda Caafimaadku Soo Saartay
May 26, 2020 - Written by admin

Laba Qof oo cusub ayaa Xanuunka Coronavirus ugu Geeriyooday Somaliland, taasoo tirada Dadka Xanuunkaa ugu Geeriyooday Gudaha Somaliland ka dhigaysa 17 Qof.

Sidoo kale, waxa xanuunka laga helay 14 Qof oo cusub, taasina waxay tirada Dadka gudaha Somaliland ku sugan ee Xanuunka qaba ka dhigaysaa 217 Qof.

Sidaa waxa Goor dhawayd Shaaciyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo War-bixinta Maalinlaha ah ee Xanuunka Coronavirus la wadaagay Warbaahinta.

Labada Qof ee Xanuunka u dhintay ayaa ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, sida Agaasimuhu sheegay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS