Wakiilka Somaliland ee Kenya oo Beeniyay In Xabsiga Loo Taxaabay
May 21, 2020 - Written by admin
W/Q Wakiilka Somaliland ee Kenya Amb Baashe Cawil
WAR CELINTA WAR BEEN ABUURID AH
Reer Somalia Ma Habaar Bay Dan Moodeen!
Way iska dhacdaa in marka albaabka siyaasadu soo xidhmo, oo beentii aan lugaha ku taagnay isa soo oodo, in dadka la isku dayo in la jaah-wareeriyo, oo waxaan jirin iyo riwaayad lagu mashquuliyo.
Dadka Somalia anigu ma aflagaadeenayo, oo sharaf bay naga muddan yihiin, laakiin qolyaha Dawladda Somalia ee Nabar iyo Naxdin waxa aan leeyahay beenta aad shacabka ku shubaysaan iska daaya,
Aniga layma xidhin, waxaan muddo labo bilood ahna aan joogay Dalka Imaaraadka Carabta, oo ay iigu dhacay xayiraadii COVID 19 si lama filaan ah.
Waxaan ahay Wakiil matala Sharafta iyo Karaamada Shacab iyo dawladd ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dawlada Kenya iyo Somaliland na waxa ay leeyihiin cilaaqaad soo jireena, oo oo ilaa 18th century gii soo jiray, maantana maraya heerkiisii ugu sareeyay.
ALLAA MAHAD LEH.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS