Ugaaska Guud ee Beelaha Somaliland oo Tacsiyadeeyay Geeridii Mujaahid Xasan Guure Kana Hadlay Xuska 18 May
May 18, 2020 - Written by admin
Bislmilaah wa salaatu wa salaamu calaa sayidal mursaleen, Nabiyunaa Maxamed(scw).
Salaan, duco iyo saamaxaad kadib.
Waxaan ku celecelinayaa tacsida Muj/Marxuum/ Xasan Guure Jaamac oo ah aqoon hoyatay, taariikh iyo xognimo hoyatay, tiir jabay oo ka baxay Qaranka Soomaaliland.
Wuxuu ahaa geesi aan gaban oo garasho iyo ku dhac ku leh oo xaqa u hiiliya una heegan ahaa kuna ilaabay dantiisii gaaraka ahayd.

Waa geeri naxdin leh ,waxaanse Eebbe(swt) ug barayayaa inuu qawlka suuban ku ilhaamiyo, qabrigana u nuuro, ooridiisii, inantiisii,ehelkiisii, intii cadaaladda iyo xaqsoornimada kula socotay iyo dhamaan Umadda Reer Soomaalilandna samir iyo iimaan saadiqa haka siiyo.
Waxaanse is weydiinayaa:-
1- talada iyo toosinta lexehejecladu ku jirto ma xumaan bay dhilisaa iyo nac?
2- Maydku ma colaad buu yeeshaa?
3-Madaxdii Qaranka miyaan loo sheegin geerida Mujaahidka?
Waxaan filayay inaan wajiyo badan ku arko Aaskaa Marxuumka ee siday wax yihiin?Allaah yastur.
Ta kale Waxaan hamblyo u dirayaa dhamaan Reer Soomaaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba soo helidii Hasheenii Maandeeq ee xeredeedii deb loogu soo celiyay 18 May 1991 ilaa hadana sharaf loogu maalo ee hambalyo.. hambalyo.
Ugu dambayn,waxaan maqalayaa inaan wali lasoo af jarin colaaddii bariga ee tolkeen oo wali ay taagan tahay, iyana waxaan leeyahay “Waar toloow colka jooji” oo Illaahay ka baqa.
Waxaanan in yar oo kooban odhan lahaa:-
Dad is dhalay baa tihiin
Dhaabad wada taala
Dhalaan iyo carruur
Meel kuwada dheela
Iga dhimayo kaa dhimay
Dhiigan dami waayay
Dhugo habar lamaaneey
Waa dhagari meesheede
Dhurwaa iyo dugaag baa
Tolkii dhaaxo loo wadhaye
Midna lama dhamayn karo
Halkuu Eebbeheen dhigaye
Dheg xumo iyo colaad
Waad ka dheregteene
Allaan idinku dhaarshee
Ceebta maruun dhaafa
Dhukh dhukh iyo ciyaar
Laguma dilo dhoohanow ehele
Isma dhaantiyo dhasheeday
Dhaartuun ka rumeeya
Dharaartaad u baahnayd
Ninkii dhiibay noloshiisa
Dhiilo weeye maantana
Inaad dhimasho doontaaye
Dhuxushiyo dhimiil daba
Hadaad dhaadi kari wayday
Dhibyaraan inaad seexataa
Waa wax dhumuc weeyne
Dhan kaloo ka sii liidatiyo
Tallo waxaad dhaaftay
Kufrinimo kuwada dhiiratiyo
Faan dhaadashiyo beene
Dhaxdin gaaban weeyoo ifkii
Waa dharaar qudha e
Shaqaa laysku dhaafee
Maxaad aakhiraw dhigatay
*Waar toloow colka jooji*
Ugaas/Axmed
Like this:
Like Loading...
COMMENTS