BALIGUBADLE MEDIA
Shacabka Somaliland Oo Baaq Ka Soo Saaray Xuska 29 guurada ka soo wareegtay Aas-aaska Somaliland
May 18, 2020 - Written by admin

Annaga oo ah muwaadiniinta reer Somaliland ee magacyadoodu hoos ku saxeexan yihiin waxa aanu maanta oo taariikhdu tahay 18ka May 2020 soo saarnay Baaq Shacab:
Maanta waxa ay ku beegan tahay sagaal iyo labaatan guuradii xuska dharaartii lagaga dhawaaqay magaalada Burco gooni-isu-taagga Somaliland; kadib wadatashi shacab oo ay horseed u ahaayeen ergo meteleysay gobollada dalka oo dhan. Ujeeddada iyo yoolka loo unkay qaran madax-bannaan oo ay hantiyaan dadwaynaha Somaliland waxa ahayd in la dhiso “dawladnimo ummadda wada deeqda, la mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad,” sida ku qoran Dastuurka Somaliland. Dawladnimada ay wada dhisteen shacabka Somaliland waxa mabaadi’ u ah:

Shareecada Islaamka.
Go’aan qaadasho ku timaadda talo-wadaag.
Isu-dheellitirnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta Sharci-dejinta, Fulinta iyo
Garsoorka.
Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda (Decentralisaiton).
Damaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda suuqa xorta ah.
Qiimo-weynida nolosha qofka oo la imanaysa sugidda xuquuqda asaasiga ah iyo
xorriyadaha qofka.
Nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha gobolka iyo adduunweynaha.

Annaga oo ogsoon dadaalka naf hurista ah ee bulshada Somaliland ugu jiraan ilaalinta nabada, wadajirka shacabka iyo kobcinta nolosha taas oo keentay guulo ballaadhan oo adduunku mahadiyay, waxa aan indhaha laga qarsan karin, habboonna in la is-waydiiyo sagaal iyo labaatan sanadood kadib Dawladda Somaliland ma tahay mid ku shaqaynaysa si waafaqsan rabitaanka shacabka iyo yoolkii aasaaska qarankan, kaas oo ku dhisan mabaadi’da Dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, caddaaladda, talo-wadaagga, is-dheelitirka awoodaha iyo sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda qofka.
Ergadii ku dhawaaqday Somaliland 18kii May 1991 iyo shacabkii u codeeyey Dastuurka 2001 waxa ay ku heshiiyeen in dawladnimadu noqoto mid ka bedqabta cudurrada dilaaga ah ee ay ka mid yihiin qabyaaladda, eexda, sed bursiga iyo isu joojin la’aanta. Waxa kale oo ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xorriyaadka muwaadiniinta ee cabbiridda aragtida, ka qayb qaadashada siyaasadda iyo xuquuqaha madaniga ah.
Taas beddelkeeda, Somaliland waxa ka dhaca ku-tumasho sharci, xadhig siyaasadeed iyo cabudhin ka dhan ah warbaahinta, siyaasiyiinta, iyo muwaadiniinta cabbira aragtiyohooda. Waxa kale oo si joogto ah u dhaca ku-xadgudub madaxbannaanida Golayaasha Sharcidejinta iyo Garsoorka oo aan shaqadooda u madax bannaanayn, iyada oo xadhigga xildhibaannada iyo masuuliyiinta xisbiyada mucaaradku yihiin kuwo soo noqnoqda. Deeqaha iyo miisaaniyadda Somaliland looma qaybiyo si caddaalad ah oo ay u siman yihiin gobollada dalka oo dhan.
Si ka duwan mabaadii’dii lagu unkay dalkan, aragtida dawladnimada Somaliland waxa saldhig u noqday qabyaalad, eex, sed-bursi iwm. Iyada oo shaqo-gelinta shaqaale hoosaadka ilaa xulushada masuulka xafiiska dawladeed ee sare lagu eego indhaha qabiilka oo keliya ah. Somaliland, waxay dawladdii Siyaad Barre kala mid tahay ku-urursanaanta maamulka ee caasimadda. Marka laga reebo hay’adaha dakhli ururinta iyo ciidammada, gobollada dalka waxa gabaabsi ka ah
daadegsanaanta maamulka iyada oo aanay jirin dareen ka war haya dawladnimo oo nolosha muwaadinka kor u qaada.
Waxa marag ma-doon ah in dawladdu ka leexatay gaadhista yoolkii loo abuuray. Dhammaan dadkii dhashay 1991 iyo wixii ka danbeeyey weligood ma helin fursad ay ugu codeeyaan Baarlamaan metela. Waxa baahsan shaqo la’aanta, sinnaan la’aanta, caddaalad darada iyada oo hoos u dhaca wayni ku yimi wada-tashiga iyo ixtiraamka xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyaadka qofka.
Waxa aanu u aragnaa in Dawladda Somaliland baal martay heshiisyadii lagu galay shirarkii Burco ee 27kii April ilaa 5tii May 1991, Shirkii Boorame ee 24kii January ilaa 25kii May 1993kii iyo Dastuurka Somaliland ee la ansixiyay 2001.
Sidaas darteed, Baaqan Shacab ee ay soo saareen saxeexayaashu wuxuu ugu yeedhayaa dawladda Somaliland inay ku soo noqoto heshiisyada bulsho, ixtiraamto dastuurka oo ay dalka ku soo dabaasho hanaan dimoqraadi ah, sinaan iyo caddaalad.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS