Muuse Biixi oo Noqday Madaxwayne La Ficiltama Maytida Geeriyoota
May 17, 2020 - Written by admin
Madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee somaliland soo mara kaas oo la ficiltama maytida iyo dadkiisa geeriyooda
arintan ayaa soo shaac baxday kadib markii uu ka muquurtay aaskii marxuum mujaahid xasan guure jaamac kaas oo qiimo wayn ugu fadhiyay qarankan somaliland islamarkaana ahaa shakhsi qalbi wanaagsan oo aan calool ku sid lahayn
muuse biixi oo subaxnimadii la sheegay geerida marxuumka u baxay dararwayne ayaan hadalkiisii kusoo hadal qaadin marxuumka markii uu khudbadaynaayay munaasibadii uu salaanta ku qaadanayay ee lagu qabtay darar wayne
sidoo kale muuse biixi oo casarkii markii marxuumka la aasayay ku sugnaa hargeysa ayaa ka muquurtay ka qayb galka aaska arintan oo lagu macneeyay inay caado i tahay muuse biixi inaanu ka qayb galin aaska qofka uu wax ugu hayo caloosha
balse waxa xusuus mudan in xasan guure jaamac markasta oo uu warbaahinta ka hadlayo ku cel celin jiray ereyga saaxiibkay muuse biixi taasoo muujinaysay saaaxibtimadda khaaska ah ee ka dhaxaysay muuse iyo xasan
isku soo wada duuboo somaliland ayaa taariikhda markii ugu horaysay yeelatay madaxwayne calool xun oo ficiltankiisu gaadhay heer uu la ficiltamo shacabkiisa iyo saaxibadiisii ay nolosha soo wada qaateen arintaa oo ka baxsan dhaqanka gobonimadda leh ee islaamka iyo somalida
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS