BALIGUBADLE MEDIA
Muqdisho Sarkaal Sarre oo Boolis ah oo Todobaad Gudihii Ka Badbaaday Laba Qarax oo Lala Beegsaday
May 24, 2020 - Written by admin

Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax maanta lala eegtay taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Soomaaliya Janaraal Cali Barre Xersi “Cali Gaab” xilli uu marayay waddada Afisoyooni

Wararku waxay sheegayaan in taliyaha qaraxa lala eegtay uu ka badbaaday, balse ay ku dhaawacmeen laba qof oo rayid ah.

Sidoo kale gaadhiga taliye Cali Gaab ayaa waxaa soo gaadhay wax-yeello.

Waa markii labaad oo muddo hal isbuuc ah la qarxiyo taliyahaasi , waxaana horay qarax loola eegtay ku dhintay dhowr askari oo ilaaladiisa ah, xilliga qaraxaasi hore lala beegsaday Janaraal Cali Gaab ayaa waxa uu sheegay in uusan la socon gaadhiga.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS