BALIGUBADLE MEDIA
Khilaafka Axmed Karaash Iyo Danney oo Qarka U Saaran Inuu Gabi ahaanba Meesha Ka Saaro Maamulka Puntland
May 28, 2020 - Written by admin

maamulka goboleedka somaliyeed ee puntland ayaa qarka u saaran inuu gabi ahaanba meesha ka baxo kadib khilaaf baahsan oo gaadhay inay kala go’aan beelihii harti ee ku midaysnaa maamul gobolaadkaas kadib khilaaf baahsan oo meel xasaasi ah maraya islamarkaana u muuqda mid maryo dhiigle lagu kala furanayo

madaxwayne danney ayaa khilaaf noocan oo kale ah meesha kaga tuuray gudoomiyihii baarlamanka puntland mr dhoobo daareen waxaanay taasi keentay in goor habeenimo ah ciidamo hubaysan oo dawladdu dirtay u daataan weerar culusna ku qaadaan xarunta baarlamanka ee puntland taasoo khasaare baahsani ka dhashay iyadoo aakhirkii meesha laga tuuray gudoomiye dhoobo daareed.

hadaba khilaafkan ayaa ka duwan kii wakhtigaas islamarkaana aanu mr danney si sahlan uga guulaysan doonin mr karaash oo isaguba hore maahmaaho adag ugu weeraray madaxwayne danney

si kastaba ha ahaatee hadii madaxwayne danney kusii adkaysto inuu meesha ka tuuro ku xigeenkiisa wuxuu gabal baasi u dumi doonaa maamulka puntland iyadoo imika ay sii muuqato saansaanta kala gurashadda beelaha wada deegaankaas gaar ahaan beesha gobolka buuhoodle iyo gobolka garoowe oo xaaladoodu hadaba meel xasaasi ah marayso islamarkaana si adag iskaga weeraraya dhinaca warbaahinta

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS