BALIGUBADLE MEDIA
Guddida Covid 19 oo Ku Kacday Musuqmaasuqii Ugu Baahsanaa Abid Iyo Agabkii Lagu Caawiyay oo Lagu Iibinayo Suuqyadda Hargeysa
May 17, 2020 - Written by admin

Guddida Covid 19 ayaa Ku Kacday Musuqmaasuqii Ugu Baahsanaa Abid kadib markii lagu war helay Iyadoo Agabkii Lagu Caawiyay Lagu Iibinayo Suuqyadda waawayn ee Hargeysa iyo dalka oo dhan

agabyadda suuqyadda hargeysa lagu iibinayo waxa kamida face maskyadii loogu tala galay wajiga gloveskii gacmaha la gashanayay iyo agabyo kale oo caafimaad oo ay ugu deeqeen dawladda imaaraadka iyo ganacsatadda dalku

lama garanayo sababta keentay in guddidii kahor taga cudurka covidn 19 ay ku kacdo musuqmaasuqa intan leeg balse waxay arintani rajo beel ku abuuraysaa shacabka somaliland ee marka horeba la ildarnaa adeeg xumadda caafimaad

dhanka kale warar baligubadlemedia helayso ayaa sheegaya in adeegayaasha caafimaadka ee dhakhtarka wayn ee hargeysa laga iibiyo gloveska iyo face maskyadda loo isticmaali wajiga taasoo layaab ku noqotay cid kasta oo maqashay

isku soo wada duuboo guddida covid 19 ayaan ilaa hadda soo bandhigin halka ay ku bixiyeen deeqihii lacagta iyo agabka iskugu jiray ee lagu wareejiyay taasoo mugdi galinaysa kalsooni lagu qabi karo guddida covid 19

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS