BALIGUBADLE MEDIA
Farxaan Oo Ka Hadlay Gabadh La Shegay In Shaqada Laga Eryay
May 10, 2020 - Written by admin

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa ka jawaabay farriin baraha bulshada lagu faafiyay oo ku saabsan in shaqada laga eryay Hani Warsame Sulub oo ka mid ah shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha ayaa beeniyay in hay’adda shaqaaluhu shaqada ka eriday Hani ama farriintan u dirtay.

Hani Warsame ayaa la sheegay in hay’adda shaqaaluhu dhawr jeer kala hadashay waraysi ay siisay telefishan oo ay eedo ugu jeedisay wasiirka Shaqada Hinda Gaani taas oo hay’addu ku doodayso in ay anshaxa shaqaalenimo ka baxsantay.

Guddoomiye Farxaan oo aan soo hadal qaadin in Hani ay dacwad ka dhan gacanta ku hayaan ayaa ka jawaabay farriinta loo soo diray gabadhan oo iyaduna ay baraha bulshada ku baahisay.

Qoraalka Farxaan ayaa u dhignaa sidan:

“Waxaan arkayay fariin tilifoon oo la wareejinayo iyadoo la leeyahay waa hayadii shaqaalaha dawlada. Hayada shaqaaluhu fariin SMS ma isticmaasho sinaba iyo goornaba kamana mid aha dariiqyadeeda xidhiidhka iyo xogwadaaga ee rasmiga ah (Official commanication channels) haday la xidhiidho arin dacwad shaqaale waxay samaysaa yeedhmo, xog baadhis, waraysi, dacwad dhegaysi iyo go’aanka oo hab-qoraal ah ayay soo saartaa iyadoo raacaysa qodobada xeerka Anshaxa iyo sharciga guud ee Shaqaalaha lana wadaagtaa wasaarada qofkaasi ka tirsanaa iyo wasaaradaha/ Hayadaha fulinta go’aanka kaalin masuuliyadeed ku leh.
Ramadaan kariim
Farxaan Aadan Haybe

COMMENTS