BALIGUBADLE MEDIA
Agaasimaha Maaliyaddu Wuxuu Fashiliyay Silsilad Musuqmaasuq Ah
May 18, 2020 - Written by admin

Sidaynu Ognahay Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mudane Gurxan ayaa u shaqeeya si hagar la’aan ah marwalbana u heelan sidii uu ula dagaalami lahaa Hababka Musuq ee ay adeegsan karaan Shaqaalaha Kastamadda Somaliland isaga oo soo kordhiyay in dhamaan Kastamadda Somaliland ku shaqeeyaan Hab Casri ah oo Electronic ah Habkaas oo uu kula Socon karo heerarka ay marayaan Cashuurta Agabka kala duwan ee Kastamadaas maraa, Kastamka Berbera ayuu Mudadii uu Agaasimuhu Joogay uu ka hirgaliyay habkaas lagu cashuuro laguna Ogaado Cashuurta si Online ah,

Agaasime Maxamed Cabdi Gurxan oo Inta Badan Lagu Tilmaamo Shakhsiyaadka u daacadda ah shaqadda qaranka ee uu hayo ayaa hanaankan cusub ee uu soo kordhiyay wasaaradda maaliyadu yareeyay wax is daba marin iyo musuqmaasuq ka dhaca wasaaradda maaliyadda iyadoo taasi keentay in shakhsiyaadkii ku mamay hantida umadda ee ka hawlgalayay wasaaradaasi ay il cadaawadeed ku eegaan agaasimaha islamarkaana ay dagaal dadban iyo mid toos ah la galaan sida aynu ka arkayn telefishanadda maalmihii u dambeeyay.

La Soco qaybta labaad

Axmed Aadan

 

COMMENTS