BALIGUBADLE MEDIA
Halkan ka Akhriso Hambalyadda Ugaaska Guud ee Somaliland U Diray Bulshadda Islaamka Fadliga Bisha Ramadaan Ajligeed
April 24, 2020 - Written by admin

HAMBALYO RAMADAAN
– BAAQ NABADEED
– CAABUQA KOROONA

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Ugu horeyn waxay mahad iyo addoonimo u sugnaatay Allaha(swt) inaga dhigay Umad islaam ah oo waxa sana is fara waxa xuna iska waaniya una taagan mar walba baryadiisa oo gacmaha hoos dhigta.

Waxaan salaamayaa dhamaan Umadda Reer Soomaaliland debed iyo gudo goor kasta iyo goob kasta oo ay joogaanba,Hambalyo iyo bogaadina hawada soo marinayaa dhalashada Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxaan iyana baaq nabadeen u dirayaa ehelka iyo wallaalaha dagaalada iyo af xumadu ka dhex aloosan tahay oon leeyahay,toloow colaadda iyo af xumada joojiya oo culays wayn oo xanuun ah awoodna aynaan u lahayn ayaa jira ee haloo wada jeesto baryada Eebbe,haloona dhego nuglaado baaqyada iyo awaamirta ku aadan xanuunka dilaaga ama xasuuqaha ah.
Waxaanan Eebbe (swt) ka baryayaa inaynaan sharkiisa iyo dhibaatadiisa arag oo raxmaadkaa da’aya inaga raaciyo.

Waxaanan naftayda iyo tiinaba ku boorinayaa in lays wada saamaxo qof,qoys iyo qabiilba, aniguna aan ugu horeeyo oon leeyahay dhamaan ciddii aan wax ka tirsanayo waa iga saamax.

Hadal waa intaa hawraar iyo baryo Eebbe iyana waa intan:-

Alloow ubad iyo carruurta
Alloow oday iyo haweenka
Alloow aafada dhacaysa
Alloow uma lihin itaale

Alloow kuwa nacay agtaada
Alloow amarkaaga diiday
Alloow waad tustay awoode
Alloow u gurmo islaamka

Alloow kari mayno oonka
Alloow aqaladan la jiifo
Alloow afkan oo la duubo
Alloow qaar baan aqoone

Alloow anakoo adeecna
Alloow aqbaloo an diidin
Alloow amarada yimaada
Alloow guusha nagu ilhaami

Alloow albaqriyo watiina
Alloow anakoon ilaabin
Alloow ajashii baxaysa
Alloow noo adkee axkaamta

Alloow akhirana rumayney
Alloow adigaa na uumay
Alloow adaa noo Ilaaha
Alloow meel kaloonu aadno
Alloow uma lihin aqoone

Alloow galaadaan is eegin
Alloow arxanimo wadaagin
Alloow is arkaynin goorna
Alloow ma ahaan karaynee

Alloow ololkiyo inkaarta
Alloow ehelkiyo dadkayga
Alloow hawli nagu adkaatee
Alloow caabuq naga ilaali

Alloow baahi baan arkaaye
Alloow danyar iyo agoomo
Aroortii bay baxaanoo
Arsaaq bay raadiyaane
Alloow guryaha haku oodin

Karoona iyo ammuurihiisa
Alloow alhuumada xanuunkan
Addoomahan kuu sujuuday
Alloow ka dul qaad adduunka

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS