BALIGUBADLE MEDIA
Ha Loo Gurmado Walaalaha Qardho.” Gudoomiye Cirro”
April 29, 2020 - Written by admin

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa bulshada ugu baaqay in gurmad laxaad leh loo fidiyo bulshada magaalada Qardho ee Puntland daadadku ku waxyeeleeyeen.

Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal ku baahiyay boggiisa Facebook waxa uu sheegay in loo baahan yahay in bulshadu isu gurmato waxaanu tacsi u diray bulshada eheladooda ku waayay dadaadka isaga oo caafimaad u rajeeyay kuwo waxyeelladu ka soo gaadhay.

“Waxa aan la qeybsanayaa murugada, tiiraanyada iyo dhibka ka soo gaadhay deegaanka Qardho fatahaadda aafeysay ee naf iyo hanti-ba leh, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu u naxariisto inta dhimatay, cawil kheyr qabana ugu beddelo dhibka ka soo gaadhay, kana samata-bixiyo inta hadhay, waxa aan cod dheer ugu baaqayaa sidii milgaha lahayd ee la inooga bartay in aan walaaleheennaa Muslimiinta ah ee Qardho gurmad laxaad leh u fidino oo la qaybsanno dhibka ku habsaday. Waa maalmo kheyr lehe, aynu u gargaarno, u gurmanno, gacanna u fidinno Qardho,” Cabdiraxmaan Cirro.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS