BALIGUBADLE MEDIA
Siyaasi Xaglatoosiye Muxuu Ka Yidhi In Wasiir Saleebaan Cali Koore Loo Gacan Gelinayo Xisbiga Kulmiye?
March 14, 2020 - Written by admin

Wasiirkii hore ee wasaarada caafimaadka somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa ka hadlay wararka sheegaya in hogaanka xisbiga Kulmiye loo dhiibayo wasiir Saleebaan Cali Koore.

Ex wasiir Xaglatoosiye ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin xogaha tilmaamaya in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye loo gacan galinayo wasiir Koore, waxaanu tilmaamay in la sugo natiijada ka soo bixi doonta shirarka uu xisbiga Kulmiye qabsa doono.

Image result for xaglatoosiye

 

Ex wasiir Xaglatoosiye oo ka hadlaya wararkan ayaa waxa uu yidhi “Arintaasi wax jira maaha, xisbiguna shirar ayuu leeyahay kuwaas oo soo socda, warkaasina waa mid aad meelahaas ka tidhaahdeen laakiin rasmi maaha warna kama hayo mana ogi.”

Ex wasiir Xaglatoosiye ayaa ka hadlay heshiiska ay wada gaadheen xisbiyada siyaasada somaliland ee kku saabsan doorashooyinka “Arinkaas aad ayuu inoo dhibay, muran fara badan ayeynu soo marnay oo wax badan ayaa inagaga habsaamay hadana waa laga heshiiyey, waxaanan ilaahay ka baryayaa inaynaan muran dambe u noqon oo heshiiskaas aynu halkiisa ka sii wadno oo hirgelino wixii lagu heshiiyey oo dhan.”ayuu Xaglatoosiye oo u waramay Eryaltv

COMMENTS