BALIGUBADLE MEDIA
Fadeexad Kufsi Oo Dul Hoganaysa Masuuliyiinta Wasaarada Daakhiligi Somaliland Iyo Halka Ay Ku Dambaysay Sheekada Inan Faraxumayn Loo Gaystay
March 14, 2020 - Written by admin

Masuuliyiinta wasaarada arimaha gudaha somaliland ayaa dhex fadhiya kiiskii ugu foosha xumaa oo la xidhiidha inan ka mid ah hawl wadeenada wasaarada arimaha gudaha oo masuul sare oo wasaarada ka tirsani faraxumayn baahsan u gaystay.

 

Inantan oo tacadiga loo gaystay ku soo bandhigtay qormooyin taxane ah oo qoraaga Ismaaciil Cabdi Ubax ku soo bandhigo tacadiyada goobaha waxbarashada iyo shaqada loogu gaysto hablaha ayaa masuuliyiinta wasaarada arimaha guduhu ay si adag u dhibsadeen ka dib markii ay soo shaac baxday fadeexada dul hoganaysa.

Hadaba qoraa Ismaaciil Cabdi Ubax oo masuuliyiinta wasaarada arimaha guduhu ugu hanjabeen dacwad ay ka gudbiyeen ayaa soo bandhigay halka uu ku dambeeyey qorshe ay masuuliyiinta wasaaradaasi ku dambabaseen inantii uu tacadiga foosha xun u gaystay masuulka xilka ka haya wasaarada daakhiligu.

Qoraa Ismaaciil Cabdi Ubax ayaa warbixin uu soo bandhigay ay u dhignayd sidan:-

Sheekada inanta dhibbanaha ah ee sheekada 3-aad ee taxanaha QayladhaanDumar waxa aan halkan idin kula wadaagay hebeenkii Jimcuhu soo gelayay. Waxana ay ka mid ahayd sheekooyin taxane ah oo ay ii soo direen dumar ay tacaddiyo kala duwan ka soo gaadheen goobaha shaqada ama waxbarashada.

Isla subixii Jimcihii, inanta oo u kallahday goob ay Jimcayaasha ka xoogsato oo ah mid ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta ee magaalada Hargeysa, ayaa markii ay shaqada ka soo baxday, askar u kaxaysay dhanka saldhigga Daloodho. Markii ay sii socotay ayay hooyadeed la soo hadashay, una sheegtay sida wax u jiraan. Isla markiiba hooyadeed oo naxsan ayaa u kacday dhankii saldhigga, waana loo diiday in ay inanteeda aragto. Halkaas ayaa inanta lagu hayay ilaa habeennimadii. Intii ay xidhnayd, waxa inanta loo sheegay in ay qaranka ceebaysay, masuul Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka tirsanna ay sumcad-dil kula kacday. Markiiba waxa saldhigga ugu yimid ninkii masuulka ahaa oo marna hanjabaad kula kacaya, marna sasabo. Hadalladii uu ku yidhi waxa ka mid ah in haddii ay arrintan si hoose ula dhammayn weydo, illaa madaxtooyada iyo Muuse Biixiba tallaabo iyada ka qaadi doono. Waa sida uu isagu ku yidhi. Dad badan oo booqday saldhigga, markii warka ay heleen, kana mid ah asxaabteeda iyo xubno kale oo aan iyada aqoon u lahayn, ayaa loo sheegay in aanay inantaasi meesha ku xidhnayn ee ay been tahay.

Arrintaasi waxa ay noqotay tacaddi kale oo lagu la kacayo inanta marka horeba tirsanaysay dhibaatooyin badan. Sidaas darteed waxa aannu baahinnay xadhiggeeda, si aannu indhaha dalka ugu soo jeedinno waxa socda. Sidii aannu rabnay ayay u dhacday oo ninkii inanta xidhay wuu haysan kari waayey, waanu soo daayey. Waxa inanta loo sheegay in la sii daynayo, iyaduna ay joojiso sheekooyinka ay tebinayso ee dhex socda Facebook-ga. Aroorta ayaa lala ballamay, sidaas ayaana lagu fasaxay.

Markaas waxa ila soo hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, mudane Farxaan Haybe, oo doonayay in aan uga warramo arrintan. Sidii ay ahayd ayaan u sheegay, balse u maan sheegin magacyada dadka ay khusayso, waayo taas fasax ii may siin inantii dhibbanaha ahayd. Wuxuu ii ballan qaaday in uu subaxa arrintaas baadhitaankeeda bilaabayo, illaa uu ninkaas ciqaabtiisa mariyana aanu nasan doonin, balse si hoose uu hawsha u maarayn doono. Waxa kale oo uu iga codsaday in wixii dambe aan isaga toos ugu soo diro, maadaama uu diidayo in dad cadowga Somaliland ahi ay ka faa’ideystaan arrimahan, waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu ii la ekaaday qof lagu kalsoonaan karo, isaga ayaanan arrintii u dhaafay.

Saaka, waxa isla markiiba Wasaaraddu qabatay shir jaraa’id oo arrintaas lagu beeninayo, waxana meeshaas fadhiya Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo ay ahayd in uu baadhitaan sameeyo sidii ballantu ahayd, balse waxa uu soo dhex fadhiistay niman wax dambabasaya. Halkaas waxa lagu sheegay in aanay inantaasi jirin, anigana dacwad la iga gudbin doono.

Haddaba inantii maxaa saaka la kulmay? Subixii horeba, sidii caadiga ahayd waxa ay tagtay shaqadeedii. Markiiba waxa la kulmay ninkii ay dhibbanaha u ahayd iyo masuuliyiin kale oo isla wasaaradda ah. Shirkii jaraa’id markii uu dhammaaday, xilli duhurkii ah, waxa inantii loo qaaday dhanka saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa. Waxa raacay oo la socday ninkii ay ka cabanaysay iyo odayaal kale. Waxa halkaas labadoodaba lagaga saxeexay warqad heshiis ah, waxana ninkii loo sheegay in haddii inantaa wax gaadhaan mustaqbalka, uu isagu masuuliyaddeeda qaadi doono. Sidoo kale waxa loo sheegay inanta in magdhow ahaan loo siin doono 25 halaad oo geel ah.

Haddaba, dad badan ayaa is weydiinaya sababta aan u qarinayo xogta dhibbanaha iyo ninka masuulka ah ee aan sheekada dhexdeeda ku sheegay inuu yahay Maamule, dabcan aniga oo markaa qarinaya mansabkiisa saxda ah. Haddii aan ka jawaabo taas, wax badan ayaan xeerinayaa, mana aha macquul in aan xog kasta oo aan hayo halkan ku soo baahiyo. Midda labaad, maadaama oo inantii dhibbanaha ahayd sidan ku faraxsan tahay, hawsheediina la dhammeeyey, iyaduna iga codsatay in aan magaceeda u ilaaliyo, ma jirto sabab aan codsigeeda u tixgelin waayaa, waxaanan go’aansaday in aanan halkan ku xusin magaceeda iyo ka ninka masuulka ah midna. Waan jeclaan lahaa inay intan ka geesisanaato oo ay bannaanka u soo baxdo, tusaalena u noqoto dumar badan oo tacaddiyadan qarsanaya, balse taasi may dhicin, waanan ku tixgelinayaa rabitaankeeda.

Cabdinaasir ninka la yidhaa ee sida la ii sheegay ah Wasiirkuxigeenka Wasaaradda ee hanjabaadda raqiiska ah hawada ii soo marinaya, waxa aan kuu ballanqaadayaa haddii aad ku adkaysato dacwaddaas aad sheegayso, in aan bannaanka keeni doono xogta masuulka aad ceebtiisa daboolayso, u gudbin doono garyaqaannada dalka iyo hay’adaha xuquuqal insaanka, ayna kugu caddaan doonto in aad tahay ninkii ka hiiliyay miskiinta yar ee agoonta ah.

Ujeeddada taxanahanina ma aha marnaba in qof la ceebeeyo, waana sababta aanan imikaba u ceebayn qof gaar ah, balse waa in lagu baraarugo dhibaatooyinka ay hableheennu kala kulmaan goobaha shaqada iyo waxbarashada. Ninka intaas igu ceebaysanaya, isaga ayay u taallaa.

Sheekadani sidaas ayay dhankayga kaga xidhan tahay, dhibbanahana kaga xidhan tahay, waxaana i noo sii socon doona taxaneheennii iyo sheekooyinka dambe.

Mahadsanidiin

Ismaaciil C. Ubax

COMMENTS