Ujeedada Kulan Agaasime Maxamed Bile Iyo Gudida Jaaliyada Somaliland Ee Toronto Dhexmaray SAWIRO
February 11, 2020 - Written by admin
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile oo dhawaan safar shaqo ku tagay dalka Canada ayaa kulan la yeeshay gudida jaaliyada Somaliland ee Toronto iyo nawaaxigeeda.
Kulankaasi ayuu agaasime Maxamed Bile uu ku siiyay gudida jaaliyada Somaliland ee Toronto Xogwran iyo xaalada guud ee ay ku sugantahay Somaliland.
Gaba gabadii kulankaasna Gudida jaaliyada Somaliland ee Toronto iyo nawaaxigeedu waxay agaasimaha waydiiyeen su’aalo kuwaasi oo uu agaasimuhuna uu ka jawaabay