BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo La Dagaalamay Ku Xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici
February 1, 2020 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi ayaa khilaaf culusi soo kala dhex galay ku xigeenkiisa cabdiraxmaan Ismacil Saylici kadib markii madaxwayne ku xigeenku madaxwaynaha ula tagay arin ku saabsan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka daba dheeraaday ee asxaabta Iyo xukuumadda.

Cabdiraxmaan Saylici ayaa madaxwaynaha usoo jeediyay inuu soo afjaro khilaafka axsaabta islamarkaana uu go’aan cad ka  qaato kala dirista komishanka iyo wax kasta oo doorasho ku qabsoomi karto taasoo keentay in madaxwayne biixi ku xigeenkiisa moobil wajiga kaga dhufto una gacanqaado

Si kastaba ha ahaatee maaha Markii ugu Horaysay ee madaxwaynaha somaliland dagaal gacan ka hadal ah kala horyimaado masuul qaran hore waxa sidanoo kale ugu dhacday Gudoomiyaha Xisbiga ucid oo uu Madaxwayne Biixi u gacan qaaday.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS