BALIGUBADLE MEDIA
Xiisad laga soo sheegayo qeybo ka mid ah gobolka Sool
January 24, 2020 - Written by admin

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool gaar ahana deegaanno hoostaga degmada Laas-caanood ayaa sheegaya in ay halkaa ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamo wada tirsan Somaliland

Xiisadan ayaa ka dhalatay sida wararka nagu soo gaarayaa xariga lagula kacay Taliye ku-xigeenkii qeybta Todobaad ee ciidamada Somaliland oo lagu magacaabo Ibraahim Ashkir.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Deegaanka Gooja Cadde oo xiisadan ka taagan tahay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo ka careysan xariga taliye ku-xigeenka halkaa ka wadaan dhaqdhaqaaq ka dhan ah xariga sarkaalka.

Amarka lagu soo xiray taliye ku-xigeenka ayaa la sheegay in uu bixiyay Taliyaha qeybta tododbaad Col Mahad Cambaashe.

Ciidamo taabacsan taliye ku-xigeenka qeybta Todobaad ee ciidamada Somaliland Ibraahim Ashkir ayaa la sheegay in ay ka caroodeen go’aanka xabsiga loogu dhigay Sarkaalkaas isla markaana dalbadeen in alsii daayo hadii kalana ay dagaal bilaabi doonaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS