Ra’iisal Wasaare Kheyre oo hakiyay heshiis ay gashay Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya
January 19, 2020 - Written by admin
arkaana waxba kama jiraan ka soo qaaday heshiis ay maanta kala saxiixdeen Wasiirradda Maaliyada Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Dowlad gobolleedyada dalka.
Heshiiska ayaa dhiggayay mashruuc hormarineed oo laga fulinayay gobolka Banaadir iyo Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, iyo Garoowe ee maamul gobolleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland iyadoo aan la xusin oo laga reebay maamul gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Laakin amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu hakiyay mashruucan oo uu wax ka saxiixay Wasiirka Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Saxiixa heshiiskan ayaa siweyn u qabsaday baraha bulshada iyadoo dadku ay su’aal iska weydiinayeen sababta looga tagay labada maamul ee Galmudug iyo Hirshabeelle iyadoo heshiiska lagu soo daray Dowlad Gobolleedyada Jubbalanad iyo Puntland oo siyaasad ahaan la ogyahay halka ay kala taagan yihiin Dowladda Dhexe ee Federaalka.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS