Khilaafka Madaxwayne Biixi Iyo Mulkiilaha Somcable oo Meel Xasaasi ah Maraya + Jabuuti oo Dalbatay in Loo Soo Dhiibo.
January 29, 2020 - Written by admin
Khilaafka ka dhex aloosan madaxwayne biixi iyo mulkiilaha Somcable maxamed aw siciid ayaa maraya meel xasaasi ah kaas oo gaadhay in ergooyin beeshooda ahi kala dhex galaan balse aakhirkii kulamadaas ayaa ku soo idlaaday isfaham la’aan.

Madaxwayne Biixi ayaa saami laga siiyay shirkadda somtel si meesha looga saaro shirkadda somcable
Shirkadda somel ayaa saami boqolkooba labaatan ah ku leh xadhiga internetka ee Dore kaas oo Inta kale ay leedahay dawladda jabuuti
Dhanka kale wararka ka imanaya dalka jabuuti ayaa sheegaya in dawladaasi dayn badan oo ay ku maalgalisay shirkadda Somcable ka doonayso ganacsadde maxamed aw siciid taasoo keentay in Markii uu bixin waayay ay dalbato in gacanta loo soo galiyo
Ganacsadde maxamed aw siciid ayaa ahaa ganacsade saamayn wayn ku leh dalka jabuuti xidhiidh toos ahna la lahaa qoyska madaxtooyadda balse waxa uu u muuqdaa inuu cagta hayo dhabadii uu hore u mariyay saaxibadiisii ka horeeyay.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS