BALIGUBADLE MEDIA
Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Wadahadalkii Xukuumadda iyo Xisbiyadda Muncaaradka ee Muranka Doorashooyinku ?
January 28, 2020 - Written by admin

Khilaafka u dhexeeya xisbiyadda muncaaradka iyo xukuumadda Somaliland ayaa muddo laba sanno iyo dheeraad ah soo jiitamayay kaas oo aan ilaa hadda wax xal ah oo rasmiya laga gaadhin.

Xisbiyadda muncaaradka iyo xukuumadda ayaa kulamo door ah oo ay kaga wada hadlayaan arintan ku yeeshay qasriga madaxtooyadda Somaliland kuwaas oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan

Dhanka kale waxa jiray ergooyin dhexdhexaadin ah oo kala dhex galay labada dhinac kuwaas oo go’aamo kama dambays ah kasoo saaray khilaafka soo jiitamay balse dhanka xukuumadda ayaanay wali ka hirgalin go’aamadaasi

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Madaxwayne Biixi ayaa u muuqata inay dhagaha ka futaysanayso doorashooyin dalka ka dhaca.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS