BALIGUBADLE MEDIA
Wiil Shaqada Looga Eryay Taageerida Maxamuud Xaashi
December 18, 2019 - Written by admin

Wiil shaqaalaha madaarka Hargeysa ka mid ahaa oo lagu magacaabo Guuleed Maxamed Ismaaciil ayaa maamulka Madaarka Hargeysa shaqada ka eryeen kadib markii uu bartiisa Facebook ku faafiyay waxyaabo uu ku taageersan yahay musharraxnimada Maxamuud Xaashi.

Inkasta oo aanu Guuleed faahfaahin bixin waxa laga soo xigtay in loo keenay warqadda shaqo saaridda oo ay ku xusan tahay in shaqada looga eryay taageeridda Maxamuud Xaashi.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo dhawaan guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe sheegay in ay soo saareen wareegto shaqaalaha dawladda lagaga mamnuucayo in ay cidnaba taageero u muujiyaan ama ka hadlaan arrimaha siyaasadda waliba marka ay baraha bulshada isticmaalayaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS