BALIGUBADLE MEDIA
Wararkii U Dambeeyay Guddida Dhexdhexaadinta
December 7, 2019 - Written by admin

Guddida dhexdhexaadinaysa Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradka ayaa la filaya in ay maalinta Berri ah la kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kadib kulamo ay la qaateen madaxda mucaaradka Waddani iyo UCID.

Sida uu Wargeyska Geeska Afrika ku warramay ma cadda in guddidu xal degdeg ah soo saari doonto marka kulanka Madaxweynaha ay la yeeshaan iyo in ay muddo kale ku qaadan doonto in ay go’aammo soo saaraan.

Bulshada Somaliland ayaa si weyn indhaha ugu haya guddida Ganacsatada ah ee ku hawlan dhexdhexaadinta Xisbiyada waxaana arrintooda u hoggaansan dhinacyada xisbiyada iyo xukumadda oo joojiyay in ay saxaafadda wax hadal ah mariyaan.

Source: Geeska Afrika

COMMENTS