BALIGUBADLE MEDIA
” Turkiga ma xamili karo qaxooti cusub..” Erdogan
December 23, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka digay in dalkiisa uusan awood u lahayn in uu qaato qaxooti cusub.

Kumanaan kun oo Suuriyan ah ayaa u soo carartay xuduuda Turkiga.

Turkiga ayaa horay u marti geliyey 3.5 milyan oo ah qaxooti Suuriyan ah, tiradii ugu badnayd ee qaxootiga caalamka.

Mr Erdogan ayaa ka digay in ku dhawaad saddex milyan ay ku noolyihiin gobolka Idlib.

Mr Erdogan oo maalintii Axadda ahayd ka qayb galay munaasabad lagu qabtay magaalada Istanbul ayaa sheegay in dad ka badan 80,000 ay ka soo qaxeen Idlib ayna ku sugantihiin xuduuda Turkiga.

“Haddii aanan la joojinin weerarada lagu hayo dadka Idlib, tirada dadkan kor ayey u sii kacaysaa, Turkigana ma xamili karo culayska intaas dhan.” Ayuu yidhi Mr Erdogan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS