BALIGUBADLE MEDIA
Taliyihii Aaga 31-aad ee Ciidanka Milatariga oo Joomitir Ka Noqday Koonfurta Hargeysa Iyo Dadwayne Gadoodsan Fariin Adag Hawadda U Mariyay.
December 29, 2019 - Written by admin

Taliyihii aaga 31-aad ee ciidanka milatariga somaliland doolaal ayaa marqdudha isku badalay joomitir isku daya inuu dadka muwaadiniinta ah dhulkooda xoog ku qaato isagoo ay weheliyaan koox budhcad dhuleed ah oo ay ku wada shaqaystaan shaadhka dawladda iyo shaadhadh kale

doolaal iyo ciidamo uu wato ayaa maalmihii u dambeeyay gaaf wareegayay dhul beero ah oo ay leeyihiin dad muwaadiniina kuwaas oo  ku yaala duleedka koonfur galbeed ee caasimadda hargeysa loona yaqaan buurta cunaqabad kuwaas oo mar ay nala soo xidhiidheen sheegay in shalay ay ahayd markii doolaal dilka dhagaraysan isagoo dhulkiisa ku haysta u gaystay muwaadin cali maxamadoo islamarkaana aanay tani tii oo kale noqon doonin balse cida ku dhimanaysaa ay doorkan tahay doolaal iyo budhcad dhuleedka uu wato islamarkaana aanay mar dambe aqbali doonin in shaadh ciidan iyo xaq darro lagu qaato dhulka ay leeyihiin.

isku soo wada duuboo dhawaan ayay ahayd markii taliye doolaal iyo ciidan uu wataa ay nin muwaadina oo ay dhulkiisa ku haystaaan ku khaarajiyeen duleedka konfureed ee hargeysa arintaas oo ilaa hadda guuxeeda ka taaganyahay deeganadaas iyo hareerahooda

La Soco Barnaamijyo Iyo Faalooyin aanu Ku eegayno Qaabka Dadka Muwaadiniinta ah Dhulkooda Loogu Dhaco Dirayska Ciidamadda Iyo Shaadh Dawladeed

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS