BALIGUBADLE MEDIA
Mayor Loo Xidhay Musuqmaasuq Oo Lacag Damaanad Ah Lagu Sii Daayay
December 12, 2019 - Written by admin

Duqa magaalada Nairobi Mike Sonko, ayaa maAnta lagu sii daayay lacag damaanad ah oo gaadhaysa $150,000 oo dollar, iyada oo aanan weli go’aan laga soo saarin eedeymo loo soo jeediyey oo la xiririira musmaasuq.Mike SonkoImage result for nairobi mayorMike Sonko

Waxaa sidoo laga qaaday lacag kale oo gaadhaysa $300,000 oo dollar.

Mike Sonko ayaa lagu amray in aanu tagi Karin xafiiskiisa taasi oo keentay su’aasha ah, yaa sii maamuli doono magaalada Nairobi?

Maalinii Isniinta ahayd ayaa waxa uu maxkamadda horteeeda ka sheegay inuusan gaysanin eedaymaha loo soo jeediyey, oo ay ka mid tahay inuu lunsaday lacago.

Mike Sonko ayaa lagu soo eedeeyey in lacag gaaraysa $ 3 milyan uu ku qabsaday adeegyo sharci darro ah.

Maxkmadda horteeda ayaa waxa buux dhaafiyey taageerayaasha Mr Sonko.

Waxyaabaha aad loogu yaqaanno Sonko waxaa ka mid ah inuu mar walba ku labisto dhar soo jiidasho leh, oo dadka qaarkiisna ay u arkaan kuwo maad leh, laakiin isagu uu xarrago ahaan ka dhigto.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS