BALIGUBADLE MEDIA
Madasha Xisbiyada oo ka digay halis ka dhallan karta hindise-sharciyeed Wasiirka Qorsheynta Somalia hor geynayo golaha wasiirada oo wax u dhimi kara Heshiisyo Somaliland lala galay
December 13, 2019 - Written by admin

Madasha Xisbiyada oo ka digay halis ka dhallan karta hindise-sharciyeed Wasiirka Qorsheynta
Somalia hor geynayo golaha wasiirada oo wax u dhimi kara Heshiisyo Somaliland lala galay

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hor imaaday Hindise-sharciyeedka Ha’adaha aan Dawliga ahayn, 2019 ee ay soo gudbisay Wasaarada Qorsheyntu isla markaasna ay Maanta ka doodayaan Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Madasha Isbiyada Qaran ayaa sheegay Macnaha ugu weyn ee ku duugan xeerkan uu yahay in ay Wasiirka u suuro gasho go’aan ka gaarista meesha iyo sifaha hay’adaha deeqaha bixiyaa u qeybinayaan kaalmooyinka dibadda ka yimaada iyadoo “hay’ada shaqadeeda aan lagu qancin” lagala noqon doono ogolaanshaha, go’aanka Wasiirkuna yahay kama danbeys.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Ha’yadaha aan Dawliga ahayn uu qabad ku noqon doono heshiisyadii lala galay Somaliland oo dhigayay in aan la siyaasadeyn arimaha gargaarka banii’aadanimo iyo mashaariicda horumarinta iyadoo laga dheeraanayo soo saarista go’aamo ama sharciyo abuuri kara kala fogaansho ama hoos u dhac ku yimaada kalsoonida labada dhinac.

Halkaan hoose ka ka akhri war-saxaafadeedka oo dhameystiran:-

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS