Hargeysa: Ilmo Sagaal Bilood Jiray Oo Lugta Laga Xidhay oo Ku Dhintay Dab Qabsaday Gurigooda
December 15, 2019 - Written by admin
Ilmo yar oo sagaal bilood jiray ayaa dhintay, laba caruur ah oo kalena waxa soo badbaadiyey ciidamadda dab damiska ee magaaladda Hargeysa, ka dib markii gurigooda uu dab qabsaday.
Guriga uu dabku ka kacay ayaa ku yaala Xaafadda Libaaxyadda ee Koonfurta Magaaladda Hargeysa, waxaana dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay ciidamada Dab damiska ee fadhigoodu uu yahay Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland.