BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Hoose Ee Berbera Oo Ka Digtay Roobab Ku Soo Fool Leh Xeebaha Gobolka Saaxil
December 7, 2019 - Written by admin

Dawladda Hoose ee Magaaladda Berbera ayaa dadka uga digtay khatarta ka iman karta roobab la saadaaliyay in ay ku soo fool leeyihiin Xeebaha Gobolka Saaxil.

Qoraalka Dawladda Hoose ee Magaaladda Berbera waxa ay ku sheegeen in ay dadku ka feejignaadaan roobabkaasi oo sababi kara khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba

“48 saac ee soo socda oo maanta ka bilaabmaya waxa la saadaalinayaa roobab laxaad leh oo kusoo wajahana xeebaha Gobolka Saaxil.

Hadaba, waxaan ku wargelinaynaa dadweynaha Ku dhaqan guud ahaan magaaloyinka xeebaha ee gobolka in ay muujiyaan digtoonaan iyo taxadir dheeri ah madaama ay sababi karaan daadad iyo dabaylo hor leh.

Waxa dhammaam heegan la geliyay maamulka iyo shaqaalaha dawlada hoose iyo weliba ciidamada kala duwan ee gobolka Saaxil kuwaas oo si dhaw xaalada ula socon doona.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS