BALIGUBADLE MEDIA
Beel Ku Shaqo Tagtay Barnaamijkii Midaynta Umadda Somaliland
December 14, 2019 - Written by admin

mid kamida beelaha somaliland islamarkaana ah beesha leh labadda xisbi muncaarid ee somaliland ayaa ku shaqo tagtay barnaamij labadii sanno ee lasoo dhaafay loogu baaqayay xukuumadda somaliland kaas oo ku aadanaa midaynta umadda somaliland khaasatan xanaftii ka dhalatay doorashooyinkii somaliland ka dhacay dhamaadka sanadkii 2017

beeshan oo aqlabiyadeedu taageersanayd xisbiga waddani islamarkaana aan kaligood ahayn ee xisbigu beelo badan oo uu taageero ka haystaa jireen ayaa gabi ahaanba laashay beelihii kale ee dalka kaligeedna ku maxaafsi tagtay barnaamijkaas iyadoo madaxwayne biixi ku taxay tiro aad u badan oo kuraas ah kuwaas oo leeg kuwa jeegaanta hadii aanay kaba badnayd

 

waxaana su’aasha ugu wayn ee umadda somaliland iswaydiinaysaa tahay beeshaani iyo xisbigay shaadhka leeg ka tosheen ma kursi doonbay ahaayeen mise saami doon arintaas oo iswaydiinteeda leh.

si kastaba ha ahaatee beeshan oo horaantii sanadkii 2018 shir ku qabsatay buurta gacan libaax ayaa u muuqata inay heshay ujeedadii ay shirkaas u qabsatay walaw ay wakhtigaas sheegaysay in somaliland wax wayni ka khaldanyihiin hadana imika waxay u muuqataa inay iska qadhaabsi tagtay mar hadii ay boosaska xukuumadda la boobtay madaxwayne biixi iyo beelaha jeegaanta

hadaba waxa is waydiin mudan maxaa la gudboon beelihii kale ee somaliland ee beeshani sawiradda la gashay?

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS