BALIGUBADLE MEDIA
Askari Ka Mid Ah Ilaalada Cirro Oo Xidhan
December 12, 2019 - Written by admin

Askari ka tirsan ilaalada guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa xidhan tan iyo 18-kii bishii November oo boolisku xidheen markii laga soo laabtay isu soo bax xisbigu sameeyay.

Taliyaha guud ee Ciiddanka booliska Somaliland Sarreeye Guuto Mr. Daba-gale ayaa waxa uu Askariggaas ku eeddeeyay innuu rasaas ku furay qaar ka mida Ciiddanka Booliska oo wakhtigaas ku sugnaa Xarunta guud ee Xisbigaasi ee Casimadda Hargaysa, waxaannu taliyuhu ku hanjabay maalintaas innuu xidhi doonno, iyaddoo maalin kadib ay Ciiddanka Boolisku xabsiga u dhaadhiciyeen.

Ilo wareedyo kala duwan oo Warbaahinta Hadhwanaagnews la soo xidhiidhay ayaa waxay noo sheegeen in Askarigaas uu wali xidhan yahay, isla markaanna caddaadis iyo jidh dil badan ay u gaysteen Ciiddanka booliska Somaliland, waxaannay wararku sheegayaan inaan Askarigaas wax Maxkamad ah la soo taagin tan iyo markii la xidhay.

Xigasho: Hadhwanaagnews

COMMENTS