BALIGUBADLE MEDIA
“Xabad iyo Kaare Ima Joojinayaan,”Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro”
November 18, 2019 - Written by admin

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Cirro ayaa cambaareeyay falka Mandheera loogu gudbiyay Xoghayihii iyo Afhayeenkii xisbiga.


Waxa kale oo uu sheegay in aanay xabad lagu rido iyo kaareyaal joojinayn.
” Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga waxaa loo dhaadhiciyey Mandheera, falkaasi waa fal argagixiso ah oo aan sinnaba loo aqbali karayn.

Mar labaad baan ku baaqayaa in xorriyadoodii si degdeg ah dib loogu soo celiyo. Muuse iyo gacan-yarayaashiisu nabadda ha ilaaliyaan.”
Xukuumaddu iyada ayaa nabadgelyada ku ciyaaraysa, Xisbina xaq looguma laha in xaruntoodu xoog lagu qabsado, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in aanay xaalad abuurin.

Aniga rasaas la igu rido iyo kaare la ii soo kaxaysto midna naga joojin mayso in aanu waajibaadkayagu gudano oo aan xafiiskaygii tagno
Somaliland Guul.”
Cirro iyo madaxda xisbigiisa ayaa xoog ku galay xarunta xisbiga oo ciidamo haysteen waxaana rasaas boolisku fureen ku dhawaacmay askari isla booliska ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS