BALIGUBADLE MEDIA
Sheekh Kenyaawi oo Raali Galin Ka Bixiyay Hadalo Hore Uga Soo Yeedhay
November 29, 2019 - Written by admin

Sheikh Maxamed Ibraahim Kenyawi oo kamid ah cullimada caanka ah ee Soomaaliya, ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu dhawaan siidaayay oo ahaa, in dumarka oo guurka ka daaho aysan wax faaido ah lahayn, loona baahan yahay in ay yaraanta ku guursadaan.

Sheikh Kenyawi oo wareysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in siyaabo qaldan loo turjumay hadalkiisii hore, codkiisana la isku jarjaray, balse waxaa uu qirtay inuu ka dhacay gef.

Wadaadku wuxuu sheegay inuu ka xun yahay wixii dhacay, isagoo caddeeyay inaanu kasoo horjeedin waxbarashada gabdhaha, balse uu ku talinayay in ay dumarku yaraanta ku guursadaan.

“Waxaad ogaataan Soomaalaay inaanan diidanayn waxbarashada dumarka, bal aan dhiirri galinayo, oo aan weliba garab taaganahay in dumarku waxbartaan. Maxaa yeelay waxbarashada dumarku waa waajib diini ah,” ayuu yidhi Sheikhu.

“Runtii qaladkayga waan garowsaday mana ahan wax diin iyo Islaam ku shuqul leh, waa qalad naftayda iyo Ibliis ka yimid, waxaana codsanayaa in la ii cudur daarayo.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dad badan oo ku xiran baraha bulshada una badan dumar, ayaa si aad ah uga falceliyay hadalka Sheikh Kenyaawi uu raaligelinta ka bixiyay, waxayna wadaadku ku eedeeyeen inuu kasoo horjeedo waxbarashada dumarka.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS