Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Maxkamad La Keenay
November 24, 2019 - Written by admin
Shantii iyo badhkii waaberigii axadda maanta ee 24-ka Noofambar ayaa Xabsiga Mandheera ee gobalka Saaxil laga soo qaaday Xoghayaha Guud iyo afhayeenka Xisbiga WADDANI ee Somaliland.

Masuuliyiintan ayaa abaaro toddobadii subaxnimo la keenay maxkamadda Hargeysa, waxa aanay baadhayaashu garsooraha ka codsadeen in waqti dheeraad ah loo siiyo ogolaanshiyo xabsi ku sii hayn ah (Rummaan), waxa aanay wararku sheegayaan in garsooruhu u ogolaaday in ay afar maalmood sii hayaan si ay u soo dhammaystiraan baadhista.
7:50 subaxnimo, ayaa maxkamadda laga kaxeeyey masuuliyiintan oo wararka qaar ay sheegayaan in dib loogu celiyey Xabsiga Mandheera.
Ammaanka maxkamadda iyo agagaarkeeda ayaa si aad ah loo adkeeyey, waxaana labada maxbuus la socday ciidamo aad u tiro badan.
Source: Codka Bariga Africa
Like this:
Like Loading...
COMMENTS