Dawladda Ingiriiska oo Ka Walaacsan Xadhigga Mucaaradka Somaliland
November 22, 2019 - Written by admin
Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay si weyn uga walaacsan tahay siyaasiyiinta xisbiga Waddani ee xabsiga lagu sii hayo maalmihii u dambeeyay waxaanay xukuumadda Somaliland ugu baaqday in si degdeg ah xorriyaddooda loogu celiyo, islamarkaana xisbiyadu bilaabaan wada hadallo ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka.

Madaxda xafiiska dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Mr Stuart Brown ayaa bartiisa Twitter-ka ku yidhi “Ingiriisku wuxuu si wayn uga walaacsan yahay xadhiga sii socda ee loo gaysanayo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Somaliland. Waxaanu ugu baaqnay dawladda inay xorriyadooda si dhaqso ah ugu soo celiso. Waxaannu ku dhiirigelinaynaa dhammaan xisbiyada oo dhan inay dib u cusboonaysiiyaan wada-hadalka oo ay ilaaliyaan ballan qaadkoodii ahaa in doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaannada loo qabto si aan dib u dhac lahayn.”
Hadalka Danjiraha Ingiriiska ayaa imanaya iyada oo ay xoghayaha guud iyo afhayeenka guud ee xisbiga Waddani ku xidhan yihiin Mandheera ilaa 17-kii bishan.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr James Swan ayaa shalay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka hor sheegay in ay muhiim tahay ilaalinta xorriyadda siyaasadda iyo xuquuqal iisaanka ee Somaliland ka hor doorashooyinka la filayo.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS