BALIGUBADLE MEDIA
Cabdiraxmaan Cirro oo Ka Hadlay Xadhiga Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Xukuumaddu Kula Kacday
November 17, 2019 - Written by admin

Qoraal uu Dr Cabdiraxmaan Cirro gudooomiyaha xisbiga Waddani soo dhiggay boggiisa Facebook ayuu ku cambaareeyay xadhigga madaxda Waddani.


“Umadda reer Somaliland waxa aan u xaqiijinayaa in goor dhaweyd sifo sharci darro ah oo aan wax cudur daar ah lahayn lagu xidhay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI, sida ugu adag ayaan u cambaareynayaa, waana in si degdeg ah xorriyadoodii loogu soo celiyaa.

Shacabka dareenkiisa xadhig iyo cabudhin toona laguma joojin karo. Waa inoo aroorta iyo Xarunta Dhexe.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS