Xubintii Madaxwayne Biixi Dafiray Inuu Ku Celiyay Guurtida oo Badka Soo Dhigay Cidda Celisay Iyo Sababaha Lagu Celiyay
October 25, 2019 - Written by admin
Fowsi Faarax oo ah xubin la sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi diiday in uu ka mid noqdo Komishanka cusub kuna celiyay guddoomiyaha Guurtida ayaa waraysi siiyay wariye Cali Xaraare kana hadlay sidii loo celiyay iyo waxa lagu sababeeyay celintiisa.
Afhayeenka Madaxweyne Biixi ayaa Cirro ku xujeeyay in uu keeno caddayn ku saabsan in madaxweynuhu celiyay Fowsi laakiin, Fowsi ayaa sheegay in uu shaqadan codsaday loona gudbiyay madaxweynaha markii dambena loo sheegay sababta loo soo celiyay.