BALIGUBADLE MEDIA
Xoghayihii Caafimaadka Ee Xisbiga Waddani Oo Is Casishay
October 31, 2019 - Written by admin

Xoghayaha caafimaadka ee xisbiga Waddani Marwo Saado Jaamac Aadan ayaa sheegtay inay iska casishay xilkii xisbiga Waddani.

Marwo Saado oo u warantay Telefishanka Sahan, waxay sheegtay inay martay jidkii ay mareen xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Marwo Faadumo Siciid oo hore uga tirsanaa xisbigaas Waddani.

Waxay Marwo Saado tidhi, “Magacaygu waa Saado Jaamac Aadan, anigoo ah xoghayaha caafimaadka ee xisbiga Waddani, kuna jira golaha dhexe, waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkii aan u hayay xisbiga waddani, taas oo ay sababtay inaan xisbiga ka dhex arki waayay siyaasadii aan doonayay inaan gaadho, odayn wayn oo waayeel ahi siduu wax u arkay waxba uma sheego, maantaan go’aansaday, Faadumo Siciid iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble wadadii ay mareen ayaan maray.” Ayay tidhi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS