BALIGUBADLE MEDIA
Somalia Oo Lacago Ka Heshay Shiidaal Ay Iib Gaysay
October 25, 2019 - Written by admin

Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay muddo 30 sano ah dhaqaale ka heshay shidaalka iyo kheyraadka kale ee ku jira dalka.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd sidii looga faaideysan lahaa kheyraadka dalka oo dhawaan la filayo in la soo bandhigo xajmiga uu la egyahay qeybihii sahanka lagu sameeyay.

markab shidaal

“Kadib dadaalo badan oo ay maxdaxda wasaaradda batroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ka samayeen dib u soo celinta xiriirka shirkadaha ku leh xidhmooyin shidaal iyo kuwo kale oo maal gashi cusub ka samaysta Soomaaliya ayaa waxaa lagu guulaystay in lagu qanciyo shirkadahaas lagu leeyahay Kirada xidhmooyinka ay haystaan”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal.

Waxaa uu inta raaciyay in heshiis ku saabsanaa bixinta kirada xidhmooyinka Shidaal oo ay galeen wasaaradda batroolka iyo macdanta iyo Shirkadaha Shell/Exxon Mobil bishii Juun ee Sanad kan, shirkadahaas na ay dowladda federaalka u shubeen lacag dhan 1.7 milyan oo doolar.

Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenka sheegay in lacagtaas ay tahay qeybtii u horeeysay ee ah ijaarka shirkadahaas lagu lahaa soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka lacagahaas ay u qeybsan doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, maadaama ay horay ugu heshiiyeen qeybsiga kheyraadka dalka ee heshiiskii Baydhabo.

“Maamulka Lacagtan ayaa ku salaysnaan doona heshiiskii kheyraad wadaaaga ee ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada” ayuu shaaciyay wasiir Ku xigeenka batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka, Maxamud Cabdiqaadir Hilaal.

Bil kahor ayay ahayd markii shir lagu lafa gurayay sida looga faa’ideysanayo kheyraadka shidaalka uu leeyahay dalka Soomaaliya oo ay soo abaabushay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS