Madaxweyne Biixi oo Ku Gacan Saydhay Ergadii Beesha Caalamka
October 21, 2019 - Written by admin
Madaxweyne Biixi, ayaa ku adkaystay go’aankiisii ahaa in aanu beddelin xubnaha guddida doorashooyinka ee mucaaradku ka cabanayo.

Ilo xogogaal ah ayaa shabakadda Caalamiga ah ee Baligubadlemedia U Xaqiijiyay in madaxweynuhu wefdigii midowga Yurub ee dhexdhexaadinta u yimi Hargeysa u sheegay in arrintu u taallo golaha Wakiillada Somaliland in ay diidaan ama yeelaan balse aanu isagu xilligan waxba ka beddelayn.
Labada xisbi Mucaarad oo hore u diiday qaar ka mid ah xubnaha madaxweyne Biixi, soo magacaabay ayaa la filayaa in ay go’aankooda dhawaan la wadaagaan shacabka.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS