BALIGUBADLE MEDIA
Kurdiyiinta iyo Xukumada Suuriya oo ku heshiiyey iska caabbinta dagaalka Turkiga
October 14, 2019 - Written by admin

Ciidamada Suuriya ayaa laga howl geliyey waqooyiga Turkiga si ay isaga caabbiyaan dagaalka Turkiga uu halkaasi ka wado iyaga oo heshiis la galay Kurdiyiinta si ay dagaalka isaga kaashadaan.

Warbaahinta afka xukumadda Dimishiq ku hadasha ayaa baahiyey iney dowladda ciidamada dalka Suuriya ka howl gelisay waqooyiga dalka uu Turkiga dagaalka ka wado.

Arrintan ayaa ka dambeysay marki uu Mareykanka go’an ku gaaray in ciidamadiisa haray laga saaro halkaasi deegaannada ay dagaalladu ka socdaan.

kurdiyiin

Turkiga ayaa toddobaadki hore weerar uu uga gol leeyahay xoogagga Kurdiyiinta ee xadka Suuriya ku sugan si uu ka nadiifiyo ku qaaday waqooyiga dalkaasi.

Waqooyiga dalka Suuriya ee ku teedsan xadka Turkiga uu la wadago waxaa gacanta ku haya xoogagga dimuqraadiyadda Suuriya ee SDF oo ay hoggaaminayaan kurdiyiinta, xoogaggaasi oo ah xulafada ugu muhiimsan uu Mareykanka halkaasi ku lahaa.

Iyada oo Turkiga uu halkaasi ka wado dagaal xooggan uuna ku qabsaday laba magaalo oo muhiim ah oo xadka ku taallo.

Inta uu Turkiga dagaalkaasi billaabay ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen tobannaan qof oo isugu jira shacab iyo dagaallamayaal labada dhinac ee dagaalamaya ka wada tirsan.

Axaddina saraakiil ka tirsan xoogagga Kurdiyiinta waxay sheegeen xerada Ceun-Cisa ay ka baxsaden 800 oo qof oo ka mid ah qoysaski iyo qaraabada dagaallamayaasha ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee IS.

Weerarka uu Turkiga qaaday iyo ka bixitaanka Mareykanka uu deegaannadaasi ciidamadiisa kala baxay ayaa caalamka Muran ka dhalisay, maadaamaa ay xoogagga SDF ahaayeen xulafada reer galbeedka oo kaalin mug leh ku lahaa dagaalka lagula jiray IS ee dalka Suuriya.

Balse, Turkiga ayaa dhankiisa kooxaha Kurdiyiinta ee gacanta ku hayo waqooyiga Suuriya ku tilmaamay argagixiso halis ku ah qaranimada dalka Turkiga dagaalkana uu u qaaday si uu abuuro aag ammaan ah oo kooxahaasi laga nadiifiyey waxayna ciidamada Turkiga gudaha Suuriya ay u galeen ilaa iyo 30 km.
Haddaba heshiiska muxuu yahay?

Maamulka ay kurdiyiintu hoggaaminayaan ee ka jira waqooyiga Suuriya ayaa sheegay ciidamada Suuriya in laga howl geliyey dhammaan xudduudda uu Suuriya la wadaago dalka Turkiga.

Iyada oo howlgelinta ciidamada Suuriya aagga dagaalka uu ka socdo ay xukumadda Dimishiq uga gol leedahay iney xoogagga kurdiyiinta ka caawiyaan iska caabbinta dagaalka uu Turkiga ku soo qaaday.

Ciidamada Turkiga iyo Mileeshiyaad Turkiga gacan saar la leh oo gudaha Suuriya ka dagaallama ayaa dagaal ay Kurdiyiinta ku qaadeen 2018-kii oo laba bilood socday waxay kurdiyiintu ka saareen magaalada Afrin.
Khariidadda Waqooyiga Suuriya
Presentational white space

Hase yeeshee heshiiskaasi xukumadda Suuriya kama aysan hadal.

Inkasta oo Madaxa SDF Mazloum Abdi uu sheegay heshiiska xukumadda Asad oo xulafa la ah Ruushka inaan kalsooni badan lagu qabi karin.

“Kuma kalsoonin ballanqaadyadooda. Si daacadnimo ah marka aan u hadlana wey adag tahay inaad ogaato cidda aad ku kalsoonaan karo” ayuuna sii raaciyey.
Maxaa keenay iney ciidamada Mareykanka ka baxaan aaggasi?

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu mar sii horreysay sheegay inuu Mareykanka 10,000 askari uu kala baxayo waqooyiga Suuriya xilli la filayey inuu Turkiga deegaannadaasi uu dagaal ku qaado.

Isaga oo sharraxaya xaalada halkaa ka jirta waa “lama-huraan”, wuxuu sheegay in SDF ay “indhaha ku haysay inay kala goyso heshiiska” dowladda Siiriya iyo Ruushka si looga hortago weerarka Turkiga.

Wuxuuna Mareykanka uu sheegay inuu go’aansaday inuu ka baxo waqooyiga Suuriya oo uu ku sii badanayey “khilaafka labada ciidan u dhaxeeya”.

Axaddina wuxuu madaxweyne Trump uu bartiisa Tweetarka uu ku qoray “waa fikir caqli badan” inaan dagaalkaasi qayb laga noqon isaga oo weli raaciyey, dagaallada ka socda Bariga Dhexe in laga qayb qaatana ay tahay khalad.

Xigasho: Bbc

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS