BALIGUBADLE MEDIA
Gabadhii astaanta u noqotay dibadbaxyada Suudaan oo tusaale xun u soo qaadatay Soomaaliya
October 26, 2019 - Written by admin

Bar Twitter oo la sheegay in ay leedahay Alaa Saalax oo ah gabadh reer Suudaan ah oo ka mid aheyd dadkii horkacayay dibadbaxyada galaaftay madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay erey ay dad badan dhibsadeen.

Waxay sheegtay in xaaladda Suudaan aysan la mid aheyn midda ka taagan dalka Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu soo gaaray Khartuum, booqasho lagu tilmaamay dhexdhexaadinta dibadbaxyaasha Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha militariga. Suudaan ma ahan sida Soomaaliya,” ayay tiri Alaa Saalax.
Twitter waxaa daabacay @oalaa_salah: Ethiopia PM Abiy Ahmed arrives in Khartoum in a visit described to be an effort to mediate between Sudan military leaders and protesters. @mfaethiopia Sudan is not Somalia. @DrAbiyAhmed1 @PMEthiopiaX

Lama xaqiijin karo bartan in ay Alaa Saalax leedahay balse dad badan ayaa si kala duwan uga falceliyay farriinta lagu qoray.

Qaar kamid ah dadka Soomaalida ee adeegsada baraha bulshada ayaa ka carooday qoraalka Alaa Saalax oo ay ku sheegeen mid aanan habooneyn isla markaasna shacabka deggan labada dal ay yihiin dad walaalo ah.

Waxay ay sheegeen in Soomaalida ay qaddariyaan shacabka reer Suudaan oo aysan ku jeesjeesin.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS