BALIGUBADLE MEDIA
Beelaha 25-kii Sarkaal Ee Afgambiga Sameeyay 21 Oct
October 21, 2019 - Written by admin

Maxay BBC Somali ka Sheegtay Konton Guuradii Ka Soo Wareegtey 21 October 1969 oo ay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Afgambi Military ku Rideen Dawladdii Dadku Doortay ee Madaxweyne Ahun Cabdirashid Cali Sharma’arke oo Askari Toogosho ku Dillay 15 October 1969 iyo Raysal-Wasaare Ahun Mahamed Haji Ibrahim Egal?.

Haddaba Waxaan Su’aashaasi Hor-dhaca Qoraalkan uga Dhigay in aan ku Muujiyo:

Isu Dheelitir La’aan ku Jirtey ka Sheekayntii Konton Guuradii Dawladdii Militariga ahayd ee Ahun Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre Hogaaminaayey 21 Sannadood, BBC ismay Barbar Dhigeyn: Wanaag iyo Xumaan Wuxuu Sameeyey Hogaankii Maxamed Siyaad Barre 21kii Sannadood Shar iyo Khayr Wixii uu Sameeyey ee Waxay BBC Somali Taariikhda Sheekadeedu Waxay u badnayd Dhanka Wanaagsan Laakiin Waxay ku Haboonayd in ay isbarbar dhigaan: Wanaag iyo Xumaan Si ay Da’yarto u hesho Taariikh Sax, una Muuqdaan Xumaanihii Dhacay ee Galaaftay Qarankii Soomaaliyeed.

Waxaan Qodobkan 2aad ee Qoraalkaygan ku Muujinayaa in aan Sixitaan ku Sameeyo: Magacyada iyo Darajooyinka Ciidan ee ay Lahaayeen Markii ay La Wareeggeen Hogaaminta Awoodda Dalka 25kii Sarkaal Waana Sidan Hoose ee Qoraalkan ku Taxan:

Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre

Sareeye Gaas Jaamac Cali Qoorsheel

Sareeye Guuto Maxamed Caynaashe Guuleed

Sareeye Guuto Xuseen Kulmiye Afrax

Gaashaanle Sare Axmed Maxamuud Cadde

Gaashaanle Dhexe Maxamuud Mire

Gaashaanle Dhexe Salaad Gabayre Kadiye

Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Samatar

Gaashaanle Dhexe Cabdalla Maxamed Faadil

Gaashaanle Dhexe Maxamed Sheekh Cismaan

Gaashaanle Dhexe Cali Mataan Xaashi

Gaashaanle Ismaaciil Cali Abokar

Gaashaanle Axmed Saleebaan Cabdalle

Gaashaanle Maxamed Cali Shire

Gaashaanle Axmed Maxamuud Faarax

Gaashaanle Muuse Rabile Good,

Gaashaanle Faarax Wacays Dhuule

Gaashaanle Maxamuud Geelle Yuusuf

Dhamme Axmed Xasan Muuse

Dhamme Maxamed Cumar Cabdi (Jees )

Dhamme Cabdi Warsame Isaaq

Dhamme Cismaan Maxamed Jeelle

Dhamme Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar

Dhamme Cabdilqaadir Xaaji Maxamed Masalle

Dhamme Bashiir Yuusuf.

Waxaan halkaq idiinku Qoray Magacyada iyo Darajooyinkii Ciidan ee ay Lahaayeen 25kaasi Sarkaal.

Haddaba Waxay ila Noqotay in aan halkan ku Muujiyo isu Dheelitirka:

Gobolllada iyo Qabaa’ilka Soomaaliyeed Siday Xubnahaasi kala ahaayeen, Waana Sidan:

Daarood:

Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre Daarood Mareexaan

Sareeye Gaas Jaamac Cali Qoorsheel Daarood Warsagali

Gaashaanle Dhexe Maxamuud Mire Daarood Ogaadeen

Gaashaale Dhexe Cali Mataan Xaashi Daarood Mareexaan

Gaashaanle Axmed Saleebaan Cabdalle Daarood Dhulbahante

Gaashaanle Maxamed Cali Shire Daarood Dhulbahante

Gaashaanle Maxamuud Geelle Yuusuf Daarood Majeerteen

Dhamme Maxamed Cumar-jees Cabdi Daarood Ogaadeen

Dhamme Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar Daarood Majeerteen

Dhamme Cabdilqaadir Xaaji Maxamed Masalle Daarood Mareexaan

Hawiye:

Sareeye Guuto Xuseen Kulmiye Afrax Hawiye Abgaal

Gaashaanle Sare Axmed Maxamuud Cadde Hawiye Abgaal

Gaashaanle Dhexe Salaad Gabayre Kadiye Hawiye Abgaal

Gaashaanle Dhexe Maxamed Sheekh Cismaan Hawiye Murursade

Dhamme Cismaan Maxamed Jeelle Hawiye Xawaadle

Dhamme Bashiir Yuusuf Hawiye Habargidir.

Isaaq:

Sareeye Guuto Maxamed Caynaanshe Guulleed Isaaq Garxajis Habar-yoonis

Gaashaanle Ismaaciil Cali Abokar Isaaq Habarjeclo

Gaashaanle Axmed Maxamuud Faarax Isaaq Habar-awal

Dhamme Axmed Xasan Muuse Isaaq Habarjeclo

Dir:

Gaashaanle Muuse Rabiile Good Dir Samaroon

Gaashaanle Faarax Wacays Dhuule Dir Ciise

Dhamme Cabdi Warsame Isaaq Dir Gaadsan.

Beelaha Laga Tiro Badan Yahay:

Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Samatar

Gaashaanle Dhexe Cabdalla Maxamed Faadil Yamani.

Haddaba waaniga halkan ku Muujiyey Sida Loogu kala Badnaa Golahaasi Gobollo Beellona ay ka Maqnaayeen Meeshaba Sida: DIGIL IYO MIRIFLE ee Maanta Loo Yaqaan: Dawladda Koonfur Galbeed.

Afeefasho Taariikhdii Golihii Sare ee Kacaankii 21kii October 1969 ayaan in Run ah Soo Qoray ee Waa Sax ee Sidaa u Qaata. SIDII ROON RABBOO SOOMAALI WAAFAJI.

Cabdillaahi Cabdi Cumar Jawaan

COMMENTS