Wasiir Faratoon oo ka Hadlay Warar Sheegayay Inuu Madaxwaynaha U Gudbiyay Warqadii Iscasilaadiisa
September 1, 2019 - Written by admin
Wasiirka arrimaha dibadda somaliland yaasiin xaaji maxamuud xiir faratoon ayaa ka Hadlay Warar sheegayay inuu madaxwaynaha u gudbiyay warqadda iscasilaadiisa
wasiirka oo u waramayay wargeyska madaxa banaan ee geeska afrika ayaa sheegay inaanay warkaas waxba ka jirin islamarkaana aanu madaxwaynaha u gudbin wax istiqaalad ah oo uu xilka iskaga casilayo
warrka iscasilaadiisa ayaa sheegayay in wasiir faratoon is casilayo islamarkaana madaxwayne biixi isku shaandhayn uu soo saarayo uu xilka wasaaradaas ugu magacaabayo masuul kale arintaas wasiir faratoon meesha ka saaray
dhawaan ayay ahayd markiinay soo baxday in booskii wasaaradda arrimaha dibadda ee wasiir faratoon si ku meel gaadh ah loogu sii wareejiyay wasiirka maaliyadda sacad cali shire oo isagu hore ku sime uga ahaa wasaaradda qorshaynta
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS