BALIGUBADLE MEDIA
Soomaaliya Oo Guddida Amniga Ee Afrika U Cadaysay Halka Ay Ka Taagan Tahay Dacwada Bada Ee Ay Ka Gudbisay Kenya.
September 4, 2019 - Written by admin

Dacwadii bada ee u dhaxaysay wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa wakhtigii go’aanka ay ka gaadhi lahayd maxkamada cadaalada aduunka waxa uu haatan noqday mid aad u soo dhaw.

Dawlada Kenya ayaa sii kordhisay dedaalada ay ku doonayso in la joojiyo dacwadaasi isla markaana maxkamada laga soo saaro oo lagu dhameeyo miiska wada hadalka, waxaanay arintan horgeysay guddida amniga iyo nabada ee Afrika kuwaas oo shir ka yeeshay soo jeedinta dawlada Kenya.

Kulan ay iskugu yimaadeen guddida amniga iyo nabada ee Afrika ayaa lagu falanqeeyey dacwada bada ee u dhaxaysa wadamada soomaaliya iyo Kenya, waxaanay dawlada soomaaliya mar kale cadaysay mawqifka ay ka taagan tahay dacwadaasi.

Wasiirul dawlaha wasaarada arimaha dibada soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Khayre oo hadal ka jeediyey kulanka ay iskugu yimaadeen guddida amniga ee wadamada Afrika ayaa golaha u sheegay in dacwada bada ee soomaaliya iyo Kenya ay soosocotay shantii sanadood ee ugu dambeeyey isla markaana ay maxkamada ICJ hortaalay, waxaanu tilmaamay in qorshaha hada lagu horkeenay guddida amniga ee wadamada Afrika ay soomaaliya u aragto mid lagu mashquulinayo fadhiga ay maxkamadu ka yeelan doonto dacwadan.

Wasiirul dawlaha arimaha dibada Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta xukuumada ayuu sheegay inaanay soomaaliya diyaar u ahayn wakhtigan inay ka laabato dacwada bada ee u dhaxaysa Kenya isla markaana hortaala maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS