BALIGUBADLE MEDIA
Mareykanka Oo Shaaciyey Inuu Sucuudiga Ka Difaacayo Daandaansi Kasta oo Kaga Yimaada Iiraan
September 17, 2019 - Written by admin

Dowladda Mareykanka ayaa diyaarineysa inay jawaab ka bixiso weerarka “aan caadiga ahayn” ee lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga, ayada oo madaxweyne Trump uu sheegay in ay u badan tahay in Iran ay mas’uul ka tahay.

Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu caawiyo Sacuudiga oo xulufo muhiim la ah, kadib weerarkii loo adeegsaday diyaardaha drone-ka, oo si aan horey loo arag sare ugu qaaday qiimaha saliidda caalamka.

Si kastaba, Trump waxa uu sheegay inuu sugayo go’aan “qayaxan” oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ah weerarka.

“Waxaa noo furan waddooyin badan” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha, isaga oo intaas ku daray inuusan deg degi doonin, oo uu marka hore la hadli doono dalalka xulufada la ah Mareykanka.

“Ma doonayo inaan dagaal cusub ku lug yeelano, balse mararka qaar waad ku qasban tahay” ayuu yiri. “Kani waxa uu ahaa weerar aad u weyn, balse waxaa looga jawaabi karaa weeraar dhowr mar kasii weyn.”

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay in militariga Mareykanka ay saaxiibadooda kala shaqeynayaan sidii “wax looga qaban lahaa weerarkan aan caadiga ahayn, loona difaaci lahaa kala-dambeynta ku dhisan xeerarka caalamiga ah ee Iran ay arbushtay.”

Trump ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu mar u safri doono Sacuudi Carabiya, balse ma uusan bixin wax faah-faahin ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS