BALIGUBADLE MEDIA
Booliska UK oo ku wareeray Saddex Mataano oo mid ka mida uu dambi galay, dhammaana xukun ku wada riday
September 9, 2019 - Written by admin

Booliska magaalada London ee caasimadda dalka Britain ayaa xadhig u dhaxeeya 14 ilaa 18 sano ku xukumay saddex walaalo-mataano ah kuwaas oo ay boolisku ku wareereen kadib markii uu mid ka mid ah faldambiyeed geystay.

mataano

Mataanahan oo da`da 28 jira ayaa lagu eedeynayaa in ay ku heshiiyeen in ay faldambyeedyo geystaan iyagoo ka faa`iideysanaya isku-ekaanshaha dheecaankooda DNA-ga ee dadka lagu kala garto, waxaana ay sidoo kale isaga egyihiin muuqaalka.

Faldambiyeedyada lagu haysto ayaa waxaa ka mid ah dhac, hub haysasho iyo faldambiyeedyo yar-yar oo kale kuwaas oo uu geystay mid iyaga ka mid ah islamarkaana uusan boolisku sheegi karin kan uu yahay.

Booliska ayaa markii ay ku wareereen islamarkaana ay caddeyn waayeen ninka dambiga leh ayay dhammaantood xabsi ku wada xukumeen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS